Darawal mooto (FEYKON)
Job Description:
Job Description:
Fursad Shaqo: Darawal mooto (FEYKON)
Khibrad Recruitment Agency waxay raadinaysaa Darawal mooto (FEYKON) oo masuul ah, daacad ah, isla markaana leh khibrad ku filan si uu ugu biiro shaqaalaheenna. Qofka la qaadanayo wuxuu mas'uul ka noqon doonaa is gaarsiinta adeegyada si ammaan ah.
Waajibaadka Shaqada
- Gaarsiinta adeegyada si ammaan iyo waqtigeeda ah.
- Ilaalinta iyo daryeelka mootada shaqada.
- U hoggaansanaanta shuruucda waddooyinka iyo xeerarka shaqada.
- La macaamilka macaamiisha si edeb iyo xirfad leh.
- Soo gudbinta wixii warbixin ah ee la xiriira shaqada.
Shuruudaha
- Ugu yaraan 2–3 sano oo khibrad ah oo dhanka wadista mooto ama gaarsiinta ah.
- Waa inuu yahay qof daacad ah, aamin ah, isla markaana leh akhlaaq wanaagsan.
- Waa inuu keenaa dammaanad.
- Waa inuusan lahayn wax balwad ah.
- Waa inuu haystaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID).
- Waa inuu si wanaagsan u yaqaan waddooyinka Muqdisho.
- Waa inuu leeyahay karti shaqo iyo masuuliyad.
Fiiro Gaar ah
Codsiyada waxaa la aqbali doonaa oo keliya haddii codsaduhu buuxiyo dhammaan shuruudaha kor ku xusan. Codsiyada aan dhammaystirnayn ama aan buuxin shuruudaha lama tixgelin doono.
Sida Loo Codsado
Dadka danaynaya waxay soo diraan:
- CV-ga oo la cusboonaysiiyay.
- Nuqulka Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID).
- Macluumaadka dammaanadda.
- Dukumentiyada kale ee taageeraya codsiga (haddii ay jiraan).
Codsigaaga kusoo hagaaji halkaan
Deadline: 30 July2026.