Fursad Shaqo: Carpenter (Nijaar / Qorya-shaqeeye)
Job Description:
Fursad Shaqo: Carpenter (Nijaar / Qorya-shaqeeye)
Khibrad Recruitment Agency waxay raadinaysaa Carpenter (Nijaar / Qorya-shaqeeye) xirfad sare leh oo ku biira shaqooyinka macaamiisheeda.
Shuruudaha:
- Ugu yaraan 3 sano oo khibrad shaqo ah oo dhanka carpentry-ga.
- Xirfad u leh cabbiridda, jaridda, isu-geynta, rakibidda, iyo dayactirka shaqooyinka alwaaxda.
- Khibrad u leh samaynta albaabbada, daaqadaha, armaajooyinka, saqafyada, iyo qalabka guriga (Furniture).
- Awood u leh akhrinta naqshadaha iyo sawirrada farsamada (Technical Drawings).
- Awood u leh akhrinta iyo fahamka luqadda Ingiriisiga, gaar ahaan tilmaamaha iyo buugaagta farsamada.
- Mas'uuliyad, daacadnimo, dadaal, iyo karti uu ku shaqayn karo si madax-bannaan iyo koox ahaanba.
- Awood u leh inuu shaqada ku dhammeeyo waqtiga loo qorsheeyey.
Fiiro Gaar ah:
Heerka khibradda, aqoonta farsamada, shahaadada, iyo fahamka luqadda Ingiriisiga waxaa lagu qiimeyn doonaa inta lagu jiro wareysiga. Musharrixiinta haysta shahaadooyin la xiriira Carpentry ama xirfado la mid ah waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay codsigooda ku soo lifaaqaan. Sidoo kale, fadlan ku caddee Cover Letter-kaaga ama warqadda codsiga shaqada noocyada shaqooyinka aad qaban karto, xirfadaha aad leedahay, iyo heerka aqoontaada farsamo.
Sida Loo Codsado:
Haddii aad buuxinayso shuruudaha kor ku xusan, fadlan soo dir:
- CV-gaaga (Curriculum Vitae)
- Cover Letter ama Warqad Codsi
- Nuqullada shahaadooyinka iyo dukumiintiyada kale ee taageeraya codsiga (haddii ay jiraan)
Kaliya musharrixiinta la soo xulo ayaa lala soo xiriiri doonaa.
Deadline: July 20-2026