Fursad Shaqo: Mason (Dhise / Fuundi)
Job Description:
Fursad Shaqo: Mason (Dhise / Fuundi)
Khibrad Recruitment Agency waxay raadinaysaa Mason (Dhise / Fuundi) xirfad sare leh oo ku biira shaqooyinka macaamiisheeda.
Shuruudaha:
- Ugu yaraan 3 sano oo khibrad shaqo ah oo dhanka Masonry-ga.
- Khibrad u leh dhismaha darbiyada, leben-dhigista, malaasta, shubista sibidhka, iyo guud ahaan shaqooyinka dhismaha.
- Awood u leh akhrinta iyo fahamka sawirrada farsamada (Technical Drawings) iyo fulinta shaqada si waafaqsan naqshadaha.
- Xirfad u leh isticmaalka qalabka iyo mashiinnada dhismaha si badbaado leh oo hufan.
- Faham wanaagsan oo ku saabsan tayada shaqada, cabbirrada, iyo badbaadada goobta shaqada.
- Awood u leh akhrinta iyo fahamka luqadda Ingiriisiga, gaar ahaan tilmaamaha shaqada iyo dukumiintiyada farsamada.
- Mas'uuliyad, daacadnimo, anshax shaqo, iyo karti uu ugu shaqayn karo si madax-bannaan ama koox ahaan.
- Shahaado farsamo (Certificate ama Diploma) oo la xiriirta Masonry, Civil Construction, ama xirfad la mid ah waxay noqon doontaa faa'iido dheeraad ah.
Fiiro Gaar ah:
Heerka khibradda, aqoonta farsamada, shahaadada, iyo fahamka luqadda Ingiriisiga waxaa lagu qiimeyn doonaa inta lagu jiro wareysiga. Musharrixiinta haysta shahaadooyin la xiriira Masonry ama Construction waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay codsigooda ku soo lifaaqaan. Sidoo kale, fadlan ku caddee Cover Letter-kaaga ama warqadda codsiga shaqada noocyada shaqooyinka aad qaban karto, xirfadaha aad leedahay, iyo heerka aqoontaada farsamo.
Sida Loo Codsado:
Haddii aad buuxinayso shuruudaha kor ku xusan, fadlan soo dir:
- CV-gaaga (Curriculum Vitae)
- Cover Letter ama Warqad Codsi
- Nuqullada shahaadooyinka iyo dukumiintiyada kale ee taageeraya codsiga (haddii ay jiraan)
Kaliya musharrixiinta la soo xulo ayaa lala soo xiriiri doonaa.
Deadline: July 20-2026