Fursad Shaqo: Plumber (Tuubo-yaqaan)
Job Description:
Fursad Shaqo: Plumber (Tuubo-yaqaan)
Khibrad Recruitment Agency waxay raadinaysaa Plumber (Tuubo-yaqaan) xirfad leh oo khibrad u leh rakibidda, dayactirka, iyo hagaajinta nidaamyada biyaha iyo bulaacadaha.
Shuruudaha:
- Ugu yaraan 3 sano oo khibrad shaqo ah oo dhanka plumbing-ka.
- Aqoon u leh rakibidda, dayactirka, iyo hagaajinta nidaamyada biyaha iyo bulaacadaha.
- Xirfad wanaagsan oo ku saabsan xalinta dhibaatooyinka farsamada.
- Mas'uuliyad, daacadnimo, iyo karti uu ku bixiyo shaqo tayo leh.
- Awood u leh inuu si madax-bannaan iyo koox ahaanba u shaqeeyo.
- Awood u leh inuu si wanaagsan ula macaamilo macaamiisha iyo kooxda shaqada.
- Shahaado farsamo (Certificate ama Diploma) oo la xiriirta Plumbing, Mechanical, ama xirfad la mid ah waxay noqon doontaa faa'iido dheeraad ah.
Fiiro Gaar ah:
Heerka khibradda, aqoonta farsamada, shahaadada, iyo fahamka luqadda Ingiriisiga waxaa lagu qiimeyn doonaa inta lagu jiro wareysiga. Musharrixiinta haysta shahaadooyin la xiriira shaqadan waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay codsigooda ku soo lifaaqaan. Sidoo kale, fadlan ku caddee Cover Letter-kaaga ama warqadda codsiga shaqada noocyada shaqooyinka aad qaban karto, xirfadaha aad leedahay, iyo heerka aqoontaada farsamo.
Sida Loo Codsado:
Haddii aad buuxinayso shuruudaha kor ku xusan, fadlan soo dir:
- CV-gaaga (Curriculum Vitae)
- Cover Letter ama Warqad Codsi
- Nuqullada shahaadooyinka iyo dukumiintiyada kale ee taageeraya codsiga (haddii ay jiraan)
Kaliya musharrixiinta la soo xulo ayaa lala soo xiriiri doonaa.
Deadline: July 20-2026